
Helsinki ayaa talaalada influenssaha iyo koronaa dadka siinaysa muddada u dhaxeysa 30.9.–14.11.2025 waxaana lagu bixinayaa kooxo da' ku xidhan. Tallaalada waxaa lagu bixinayaa oo kaliya xarumaha caafimaadka qaarkood iyo ballan qabsi kaliyaata.
Haddii aanad ka warqabin inaad kamid tahay kooxaha tallaalada loogu talo galay, waxaad caawimaad ka codsan kartaa la talinta adeegyada caafimaadka oo lambarkoodu yahay 09 310 10023. Waxaa adiga laguugu adeegayaa af finnish, af iswidhish iyo af ingiriis.
Ka akhriso faahfaahin dheeraad ah kooxaha tallaalada loogu talo galay, wakhtiyada la bixinayo iyo ballan-qabsiga (ku qoran af ingiriis)
Miyaan xaq u leehay tallaalka influenssaha?
Waxaad heli kartaa tallaalka influenssaha oo lacag la'aan ah, haddii:
- aad 65 sano buuxisay
- aad uur leedahay
- aad dhawaan bilaabayso gudashada ciidanka ama gudashada ciidanka oo ikhtiyaari ah
- aad ka mid tahay dadka kooxaha halista ku jira ugu jira xanuun ama daryeel caafimaad
- aad ka mid tahay ehelka qof si dheeraad ah ugu nugul influenssaha noociisa daran
- aad shaqaale ka tahay daryeelka sooshalka iyo caafimaadka ama daryeelka dawooyinka oo aad ka qaybqaadato daryeelka tooska ah ee bukaanka iyo macaamiisha
Intaas waxaa dheer in tallaalku uu lacag la'aan u yahay carruurta 6 bil jira, laakiin ugu badnaan 6 sano jira.
Haddii aad 65 jir tahay si guudna aad u caafimaad qabto, waxaad tallaalka influenssaha ka heli kartaa daryeelka caafimaadka ee gaarka ah adiga oo lacag ka bixinaya.
Miyaan xaq u leehay tallaalka influenssaha?
Waxaad heli kartaa tallaalka koronaha oo lacag la'aan ah, haddii:
- aad tahay qof da' ah oo ku nool guryaha xanaaneynta waayeelka ama guriga lagugu xanaaneyo ama ehelkaagu ay ku xanaaneeyaan
- aad 75 sano buuxisay
- awooddaada difaacu ay si wayn hoos ugu dhacday
- aad buuxisay 18 sano oo aad leedahay xanuuno labo ah ama ka badan oo siyaadinaya halista cudurka koronaha.
Goorma ayaan heli karaa tallaalka influenssaha ama koronaha?
Haddii aad buuxisay 75 sano, waxaad tallaalka koronaha iyo influenssaha heli kartaa muddada u dhaxeysa 30.9.-10.10. Labada tallaalba isla mar ayaan ku siinaynaa.
Haddii da'daadu u dhaxeyso 65-74 sano, waxaad heli kartaa tallaalka influenssaha inta u dhaxeysa 13.10.–24.10. Waxaad heli kartaa tallaalka koronaha xataa isla wakhtigaas haddii sidoo kale aad ku jirto kooxda tallaalka koronaha.
Haddii aad ka yartahay 65 sano oo aad ka tirsantahay kooxda tallaalka koronaha waxaad heli kartaa tallaalada influenssaha iyo koronada 27.10.-14.11.
Haddii aad ka tirsantahay kooxda tallaalda, waxaad ugu horrayn ka qabsataa wakhtiga tallaalka toddobaadka loogu talo galay kooxda da'daada. Haddii aad ka mid noqon kari waydo kooxda tallaalkaaga toddobaadka tallaalka ay u leeyihiin, waxaad qabsan kartaa ballan muddada ku xigta ee illaa 14.11. ah.
Ballanta tallaalka sideen u qabsan karaa, halkeense ka qabsan karaa?
Waxaad ballanta tallaalka ugu horrayn ka qabsan kartaa adeegga daryeelka caafimaadka ee Maisa oo cinwaankeeda internetku yahay maisa.fi ama aaladda Maisa. In adeeggaas la galo waxaa ku xidhan in la haysto macluumaadka bangiga internetka lagu isticmaalo ama xaqiijinta moobilka ah oo finnish ah.
Haddii aadan isticmaali karin Maisa, qabso wakhtiga adigoo wacaya lambarka 09 310 46300. Adeeggu wuxuu furanyahay isniin illaa jimce saacadda 8-16.
Maisa iyo taleefankuba waxaa laguugu adeegayaa af finnish, af iswidhish iyo af ingiriis. Taleefanka kama jiro adeegga dib laguugu soo celinayo. Taleefanka ku hadalkiisu waa lacagta caadiga ah ee taleefanka.
Waxaan nidaamka tallaalada u furaynaa koox da' ku salleysan:
- Ballan qabsashada dadka da'doodu ka wayntahay 65 sano waxaay ka furmaysaa 16.9. Maisa iyo 17.9. taleefanka.
- Ballan qabsashada dadka da'doodu ka yartahay 65 sano waxaay ka furmaysaa 8.10. Maisa iyo taleefanka.
Nidaamka adeegga elegtrooniga ah ee Maisa(Link leads to external service) (ku qoran af ingiriis)
La talinta adeegyada caafimaadka (ku qoran af ingiriis)
Haddii aad uur leedahay ama aad carruur leedahay
Haddii aad uur leedahay ama aad leedahay carruur da'doodu u dhaxeyso 6 bilood illaa 6 sano, waxaad tallaalka influenssaha ka heli kartaa xaruntiina hooyooyinka iyo dhallaanka markaad leedihiin baadhitaanka caafimaadka muddada u dhaxeysa 27.10.2025-30.1.2026. Sidoo kale gaar ayaad ballanta tallaalka influenssaha uga qabsan kartaa xarunta hooyooyinka iyo dhallaanka.
Haddii adiga ama ilmahaagu aad ka tirsantihiin kooxaha tallaalka koronada, waxaad tallaalka koronada ka heli kartaan xarunta hooyooyinka iyo dhallaanka ee Ruoholahti.
Waxaad laga bilaabo 8.10.2025 u qabsan kartaa ballanta xarunta hooyooyinka iyo dhallaanka qaab elegtroonig ah adiga oo ka qabsanaya adeegga daryeelka caafimaadka ee Maisa cinwaanka maisa.fi(Link leads to external service) .
Haddii aadan isticmaali karin Maisa, qabso wakhtiga adigoo wacaya lambarka la talinta ee 09 310 55530. Adeegga taleefanka waxaad sidoo kale ka waraysan kartaa tallaalada xarunta hooyooyinka iyo dhallaanka. Adeeggu wuxuu furanyahay isniin illaa jimce saacadda 8-14.
Maisa iyo taleefankuba waxaa laguugu adeegayaa af finnish, af iswidhish iyo af ingiriis.
La talinta adeegyada xarumaha hooyooyinka iyo dhallaanka (ku qoran af ingiriis)
Xarunta hooyooyinka iyo dhallaanka ee Ruoholahti (ku qoran af ingiriis)